Kiisaska Coronavirus ee Muqdisho oo hoos u dhacay & gobolada dalka oo..

Cudurka Coronavirus ayaa ku sii baahaya Gobollada dalka qaarkood iyadoo gobolka Banaadir uu xanuunka hoos u dhac yar ka sameeyay Sida uu sheegay la taliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje)

Wuxuu sheegay in weli dhalinyarada ay yihiin kuwa ugu badan uu haleelo caabuqa ayna tahay in fariimaha caafimaad ay aad u dhageystaan loogana baahan yahay taxadar fara badan.

Dadka ugu badan ee Cudurka COVID 19 ugu dhintay Soomaaliya ayuu sheegay iney yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.

Dr. Fuje ayaa sidoo kale dhalinyarada ku baraarujiyay in ay si dhab ah u hirgeliyaan ficillada ka hortagga ah ee caabuqa COVID-19 iyadoo si joogta ah gacmaha loo dhaqanaayo, af-xirka loo xiranaayo iyo ilaalinta kala fogaanshaha bulshada si uusan cudurka u faafin.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay  in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay shalay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland oo hal bukaan laga helay, iyadoo tirakoobankan uu muujinayo inuu ku sii faafayo cudurka gobolada qaarkood.

Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -