Wiil sabab dad badan layaabeen u dilay gabar 14-sano jir ah oo la dhalatay

Dalka Jordan waxaa ka dhacday arin dad badan aad uga naxeen si weyna looga hadal hayo baraha bulshada ,kadib markii nin dhalinyaro ah si naxariis daro ah u dilay gabar 14-sano jir ah oo la dhalatay.

Sida ay ku warameen Warbaahinta Wiil 25 sano jir ah ayaa dhabarka toori ka geliyay walaashiis oo 14 sano jir ah, kaddib markii ay teleefonkiisa ka isticmaashay barta Facebook.

Salah Al-Talib, oo ah dacwad oogaha kiiskan ayaa ku eedeeyay wiilka dhalinyarada ah dil naxariis daro ah u geestay walaashiis, waxaana la amray in wiilkan xabsiga lagu sii hayo mudo 14-maalmood ah.

Wiilkan ayaa la sheegay in sababta uu u dilay walaashiis ay aheyd in uu ka carooday in moobeelkiisa gasho kana isticmaalo Facebook, waxa uuna walaashiis la dhacay toorey taa oo sababtay in ay geeriyooto.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdadan, waxaana dadku inta badan u muuqdeen kuwa si weyn uga careesnaa falka naxariis darada ah uu ku dhaqaaqay wiilkan dilay walaashiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -