Brakac Obama oo dhaliil adag usoo jeediyay Madaxweyne Donald Trump

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama oo la hadlay qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Donald Trump sida uu u maareeyay faafitaanka cudurka coronavirus.

Obama ayaa cudurka Caronavirus ku tilmaamay musiibo weyn oo abuurtay jahwareer, waxa uuna dhibaatada ka dhalatay cudurkani ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in sidii la rabay uusan u maareyn kahor taga cudurkan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay in maamulka Donald Trump uu u fikiro qaab ah maxaa iigu jira sidaa awgeedna uu ku afceliyo dadka kale.

Madaxa Warbaahinta aqalka Cad Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu cudurkaasi u maareeyay si wanaagsan isla markaana la badbaadiyay nolal badan, mana soo hadal qaadin eedeynta Madaxweyne hore Obama.

Dalka Mareykanka ayaa noqday dadka ugu badan uu cudurka Caronavirus saameeyay  dadkii ugu badnaana ku dilo, waxaana gudaha Mareykanka laga diiwaan galiyay 1,200,000, halka uu ku dilay dad ka badan77,000 oo qof .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -