Gudoomiye Cali Jeyte oo wax uu layaabay ku arkay magaalada Baladweyne

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka kunool magaalada Baladweyne ay wadaan barakac xili uusan jirin wax fatahaad ah uu wabiga sameeyay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in magaalada markaad dhax marto arkeyso dad badan oo ku barakacaya gaadiidka nuucyadiisa kala duwan kuwaa uu sheegay in aysan ogeyn halka ay tagayaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa wax uu layaabay ku tilmaamay in dadku iska qaxaan iyada oon wax dhibaato ah jirin, waxa uuna sheegay in maamulkiisu wado dadaalo looga hortagayo in biyaha wabiga magaalada kusoo fataho.

ā€œSaakay markaan soo baxayay baabuurka iyo waxa sii socda waan la yaabay,Biyo fatahaad ah majiraan wadadii jaayga aheyd ee qooqane ayaan joognaa meelihii oo dhan waan xirnay,Alle ayaan idinku dhaarshaye dadka Nuur Xawaad ka qaxaya kawarama halkee ayay aadayaan ayuu yiriā€ Guddoomiye Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dad aan shacabka u naxeyn oo dano gaar ah leh dadka ka barakicinayaan magaalada ,waxa uuna ugu baaqay shacabka Baladweyne in ay joojiyaan barakaca maamulkana dadaal ku bixinayo in fatahaada wabiga laga hortago.

Magaalada Baladweyne ayaa sanadkii hore waxaa kusoo fatahay wabiga Shabelle, waxaana fatahaadaasi ka dhalatay dhibaato badan oo isugu jirta naf iyo maalba, waxaana inta badan magaalada ka qaxay dadkii kunoolaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -