Masuuliyiinta maamulka Puntland uu ku dhacayo cudurka Caronavirus oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya masuuliyiinta katirsan maamulka Puntland uu ku dhacayo cudurka safmarka ah ee Caronavirus, waxaana laga cabsi qabaa inta hada la ogyahay kasii kordhaan masuuliyiinta laga helay cudurkan.

Wasiirkii sadexaad oo katirsan maamulka Puntland ayaa shalay laga helay cudurka Caronavirus, waxaa sidoo kale dadkii ugu dambeeyay ee cudurkan laga helay ku jira Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wasiiradan maamulkiisa ee laga helay cudurka Caronavirus xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay, waxa uuna xusay in wasiiradan ay ahaayeen kuwa shaqo badan u hayay bulshada.

Wasiiradan laga helay cudurka Caronavirus ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa si weyn uga shaqeenayay magaalada Qardho oo dhawaan biyo badan kusoo fataheen, waxa ayna wasiirada safka hore kaga jireen howlaha gurmadka.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa laga diiwaan galiyay 76-kiis oo cudurka Caronavirus, waxaana ilaa hada la xaqiijiyay in cudurkan gudaha maamulka Puntland ugu dhinteen ilaa sadex qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -