Dal carbeed oo diiwaan geliyey Soomaaligii ugu horeeyey ee u dhintay Coronavirus

Yemen oo dhinaca gacanka cadmeed deris kala ah Soomaaliya ayaa sheegtay in qof Soomaali ah uu dalkaas ugu geeriyooday cudurka Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka Yaman, Dr. Taha Al-Mutawakil, ayaa ku dhawaaqay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus (COVID-19) ah ee laga helo magaalada Sanca, kaasoo ah nin Soomaali ah oo isagoo dhintay laga helay hotel halkaas ku yaalla.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda ka sheegay in ay arrintan ogaadeen markii ay baaritaan ku sameeyeen qofka dhintay.

Dr. Taha Al-Mutawakil ayaa intaas ku daray iney shaybaar u qaadeen saami laga qaaday maydka ninka Soomaaliga ah ka dibna ay natiijadu noqotay inuu qabey Coronavirus.

Ninkan dhintay ayaa la sheegay inuu sidoo kale qabey cuduro kale sida kelyo xanuun iyo cagaarshow sida baaritaanka lagu sheegay.

Dalka Yemen oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeyey oo ay gacmaha kula jiraan quwado shisheeye ayaa illaa hadda laga helay 23 kiis oo Coronavirus ah halka 3 qofna ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -