Wasiir Maareeye: “Qof kasta oo dhinta dowladu waxay u aqoonsan tahay inuu dilay COVID-19”

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in dowladda federaalka qof kasta oo ku dhinta dalka ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus.

Maareeye ayaa tilmaamay in kiisaska cudurka Coronavirus ay maalin kasta sii kordhayaan, taasina ay muujineyso halista uu cudurkaan ku hayo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa  xusay in Qandho oo dhan ay tahay xiligan Coronavirus, isagoo ugu baaqay bulshada inay ka fogaadaan qof-kasta oo Qandheysan.

“Qof kasta wuxuu leeyahay Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow, buu u dhintay, waxaas waxba kama jiraan, waxaan idin sheegaya in dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaama uu yahay majority -ga ugu badan ee dadku u dhimanayaan.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxaa uu sheegay in xanuunka uu yahay mid aan la yareysan karin, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo, wuxuuna ku baaqay in la qaato talooyinka ka hortaga ah ee ay soo jeediyeen dhaqaatiirta iyo heyadaha kale ee Caafimaadka ku shaqada leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -