Ra’iisul Wasaarihii hore oo ka digay in la Siyaasadeeyo cudurka Coronavirus

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo  Cudurka halista ah ee Coronavirus oo gudaha dalka Soomaaliya ku sii faafaya.

Geeddi ayaa sheegay in Cudurka uu yahay mid khatar ah oo looga baahan yahay in laga feejignaado, isla markaana la qaato tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta iyo heyadaha kale ee Caafimaadka ku shaqada si looga hortago maadaama uusan laheyn wax dawo ah.

Waxaa uu sheegay in xiligan aan loo baahneyn in la siyaasadeyo Cudurka Coronavirus, mucaarad iyo dowladna loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto cudurkan ku sii faafayo gudaha dalka Soomaaliya.

waxaa uu xusay Bandowga xiliga habeenkii ah ay dowladda ku soo rogtay Muqdisho oo uu xusay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xakameeyo faafida Cudurka COVID-19, waxaana siyaasiyinta muucaaradka ee bandowga ka hor yimid isaga kala qaldan buu yiri Bandow iyo xaalad deg deg ah.

“Waxaa maqlayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ku celcelinaya Bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho sharci maahan, Bandowga maahan inta Gole la horgeeyo si loo ansixiyo waa go’aamada caadiga ah ee dowladu u madax banaan tahay iney qaadato hadii ay xal u aragto” ayuu yiri Cali Geedi.

Hadalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ku soo aaday xili qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay sharci daro ku tilmaameen bandowga xiliyada habeenkii lagu soo rogay Muqdisho, si loo xakameeyo faafida cudurka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -