Madaxweyne Waare oo amar culus siiyey labada gudoomiye ee Hiiraan & Sh/dhexe

Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa war kasoo saaray dhibaatooyinkii ka dhashay daadadkii habeen ka hore ku rogmaday magaalada Qardho.

Waare ayaa u tacsiyadeeyey dadkii shacabka ah ee ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadkaas, waxuuna amray guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay si deg deg ah ula shaqeeyaan guddiyada gurmadka maamulka Hir-Shabelle u qaabilsan u gurmashada dadka reer Qardho.

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waare ayaa madaxda maamulka Puntland ku amaanay sida deg dega ah oo uu sheegay inay ugu gurmadeen qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada Qardho oo khasaare weyn geystay.

Gurmad ay hormuud ka yihiin dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka qaarkood ayaa ku sii jeeda magaalada Qardho, kaasoo looga jawaabayo daadadkii ka dhacay magaalada Qardho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -