Muqdisho: Tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus oo caawa sare u kacday

Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho laga helay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus.

Ilo ku dhow dhow Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa sheegay in maanta oo Axad ah laga helay cudurka 29 qof oo horey loo tuhunsanaa iney qabaan

“Maanta Axad ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 29 qof kuwaasoo 21 ka mid ah yihiin rag, halka 8 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka qaba Somalia oo dhan ka dhigeysa 164 qof inta laga warqabo” ayuu yiri masuul ka tirsan Wasaarada Caafimaadka oo la hadlay allbanaadir Online

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -