Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax ayaa galabta xiligii qorax dhaca waxaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay goob maqaahi oo ku taalla bartamaha magaalada Jowhar taasoo xiliyada galabtii lagu shaaho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaabka uu qaraxaas u dhacay kuwaasoo qaarkood sheegayaan inuu ka dhashay miino goobta lagu aasay, halka warar kalena ay tilmaamayaan bam goobtaas lagu tuuray.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxan halka 10 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jiraan haween shaaha ku iibinayey goobtaas, waxaana dhamaan dadka qaraxan uu saameeyey ay yihiin shacab aan waxba galabsan.

Ciidamada amaanka magaalada Jowhar ayaa gaaray goobta mashaqadan ay ka dhacday, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, iyadoo dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaas la dhigay isbitaalka magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -