Madaxweyne Siciid Deni oo isabadal ku sameeyay taliyaal Ciidan iyo Sababaha keenay

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa isbadal lagula sameeyay Taliyeyaasha Qaybaha ciidamada Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Puntland wareegtada uu soo saaray ee is badalka loogu sameeyay taliyaasha ciidan ayaa lagu sheegay in ay ku timid baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Halkan ka AKhriso Wareegtada Madaxweyne Deni soo saaray

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

3. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -