Ciidan Soomaali ah oo tababar ugu maqnaa wadamo laga helay Caronavirus oo Muqdisho lagu soo celinayo iyo Khilaaf ka dhashay …

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadiom oo wali ka socdo dayactir laga dhigayo xarun lagu karantiilo ciidamo katirsan dowlada oo tababar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale ayaa kormeer ku sameeyay garoonka Muqdisho Stadiom, kuwaa oo u kuur galayay idoo kale olole nadaafadeed ka sameenayay halka la dejinayo ciidanka la karantiilayo.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo dowlada tababar ugu dirtay dalalka Jabuuti iyo Sacuudiga oo kamid ah wadamada laga helay caabuqa Caronavirus ayaa la filayaa in lagu soo celiyo Muqdisho lana dejiyo garoonka Muqdisho si halkaasi loogu karaantiilo.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caawa sheegtay in aysan yeeli dooni in garoonka oo hada ka socdo dhiso laga dhigo xarun lagu karantiilo ciidamada dalka lagu soo celinayo.

Waxa ay sheegtay wasiirka in aan lala socodsiin qorshahan garoonka looga dhigayo xarun karantiil, waxa ayna tilmaanay in aysan waxba kala socon masuuliyiin garoonka kormeeray iyadoona tilmaantay in lagu xadgudbay shaqadeeda.

” Ka yeeli meyno masuuliyada ayaana na fareysa ka dowlad ahaan iyo shacab ,guddiga kahor taga Cavid-19 aad ayey idinkaga qaldan tahay ee dib isugu laabta,garoonka Muqdisho maahan goob loo cayimay xarun karaantiil, tan kale garoonka waxaa waardiyeeya boqolaal ciidamo booliis ah” ayey tiri Wasiirka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in garoonka sidoo kale ka shaqeeyaan boqolala dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyo dad kale oo ajaaniib ah oo maalin kasta shaqo u taga, waxa ayna cadeesay in garoonka uusan noqon karin xarun karaantiil.

Guddiga kahor taga Caronavirus ay dowlada magacawday ayaa horey u sheegay in isbitaalka Martiini noqonayo xarun lagu Karaantiilo dadka uu ku dhaco cudurka Caronavirus iyo kuwa laga shakiyo.

Ciidankan Soomaaliya lagu soo celinayo halka lagu karantiilayo ayaana hada waxaa ka dhashay khilaaf dowlada dhaxdeeda ah, lamana oga halka ay arintan ku biyo shuban doonto maalmaha soo aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -