WHO oo shaacisay Warbixin ka nixisey dadka la ildaran cudurka Coronavirus

WHO ayaa sheegtay in soo saarista Tallaal ama daawooyin soo afjari kara caabuqa Coronavirus ay qaadan karto muddo 18 bilood ah.

Warkan ayaa waxaa si weyn uga naxay dalalka uu sida weyn u saameeyey cudurkan oo rajaynayey in dawooyin deg deg ah loo heli doono cudurkan.

Agaasimaha Guud ee ururka caafimaadka adduunka WHO Tedros Adhanom ayaa shaaca ka qaaday in 45 dal oo dunida ah ay ku mashquulsan yihiin ka qayb qaadaashada tijaabooyinka caafimaad ee la doonayo in lagu sameeyo daawooyin laga yaabo inay gacan ka gaystaan soo afjarida caabuqa Coronavirus (Covid-19).

Balse Tedros wuxuu carrabka ku adkeeyay in sameynta daawooyinka iyo tallaalka fayraska Crona ay qaadan karto muddo ku siman sanad iyo bar oo u dhigmaysa 18-bilood, maadaama ay adag tahay in si fudud loo dilo Caabuqa Crona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -