Soomaaliya oo Heshay Agabka Lagu Baaro Caabuqa halista badan ee COVID-19

Agab caafimaad oo lagula dagaalayo CoronaVirus oo uu la milkiilaha Alibaba Jack Ma ugu deeqay dowladdaha Afrika, qaybtii kusoo aadday Soomaaliya ayaa Talaadadii March 24, 2020 soo gaartay Muqdisho.

Caabuqa CoronaVirus ayaa si tartiib ah ugu fidaaya qaaradda Afrika. Sida muuqata dowladda Soomaaliya, waxay hirgelisay tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka Covid-19, iyadoo furtay xarumo lagu karaantiilo dadka looga shaki qabo caabuqa, si loo xaddido faafiddiisa, balse Talaadadii ka hor ma heysan agabkii ay u baahneed. Ilaa manta waxaa barista caabuqa loo diri jiray dalka dibaddiisa (Koonfur Afrika).

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Axmed Siciid Cabdulaahi, oo kala wareegay Qalab Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya “ayaa u mahad celiyay dowladda Shiinaha iyo mulkilaha Alibaba, wuxuuna tilmaamay inuu waqti ku habboon qalabkaan ay soo gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya.

Sida la ogsoon yahay waxaa la joojiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa, la fasaxay ardaydii iskuullada iyo Jaamacadaha, waxaana dib loo dhigay munaasabadaha ciyaaraha isboortiga si dad badan aysan iskugu neefsan. Waxaase walwal ka jiraa sida muwaaddiniinta Soomaaliyeed oo badanaaba kaalmo aan ka helin dawladda ay awaamirteeda u maqli doonaan.

Sida uu soo wariyay wargeyska caafimaadka Linson, magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin 11 malyan oo qof, ayaa December 1, 2019 lagu arkay bukaan leh astaamo dhakhaatiirta ku tilmaameen oof-wareen (pneumonia), balse ahayd caabuqa CoronaVirus.

Tan iyo maalintaas waxii ka dambeyay, caabuqa COVID-19 wuxuu haleelay 438,749 waxaana u dhintay tiro hadda dhaaftay 19,675 sida ku qoran Looxa Jaamacadda John Hopkins ee 25/3/2020. Waxaa la yaab leh in cudurkani uu ku kordhay 100 kun oo bukaan saddex maalin gudaheeda.

Caabuqa waxuu qaadan karaa ilaa iyo labo toddobaad ka hor intuusan qofka ka soo muuqan  astaamaha cudurka sida qandho, qufac engegan oon xaako wadan, iyo neefsiga oo ciriiri noqdo.

Dad badani waxay xusuustaan Dr. Li Wenliang oo ahaa ninkii ugu horreeyay oo dareemay caabuqan iskudayayna inuu taqaatirta ku baraarujiyo masiibada uu soo wado isagoo adeegsaday baraha bulshada; kaddibna booliska ay xilka ka wareejiyeen kuna eedeeyeen beensheeg  iyo walaac-abuur. Waxaa xigtay  baraha bulshada ee Shiinaha oo caro iyo dhaliil madaxda dalka aad laysku waydaarsaday. Taasoo keentay Dawladda inay dibugurato oo ay baaris ku dhaqaaqdo.

Guddi ka socday xisbiga dalka Shiinaha oo baaritaan ku sameeyay fadeexadaas ayaa toddobaankii tegay ku taliyay in saraakiishii boliiska ee cannaanatay la tacsiiray. Balse, maanta dunida oo idil waxay ka shallayneysaa dhab-u-qaadasha la’aanta qeyladhaankii Dr. Li Wenliang.

Toddobaadkii kowaad ee bishii January 2020, Dr. Li Wenliang oo haweeney ka daweynayay cudurka indhaha ku dhaca oo loo yaqaan “glaucoma,” balse aan ogayn inay qabto caabuqa CoronaVirus, ayuu ku aafoobey. Dhowr maalmood kaddib, waxaa la dhigay isbitaalka. Nasiibdarro, Dr. Li Wenliang oo 34 jir ahaa, wuxuu u dhintay aafadii caabuqa Corona Virus.

Awoodda baadhitaanka caabuqa CoronaVirus, waa mid ka mid ah xeeladaha ugu muhiimsan ee lagu xakamadeyn karo faafiddiisa. Haseyeeshee, baadhitaan waxaa lagu sameeyaa qofka looga shaki qabo inuu haleelay caabuqa COVID-19 oo keliya.

Sida uu qoray wargeyska Hiiraan, qalabka soo gaaray dalka waxaa ka mid ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona Virus, kan ay gashadaan  dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Wargeyska Daily Sabah war uu ka soo xigtay Sun Shuopeng oo booqaday magaalada Milan ee ah meesha sida xun uu u asiibay caabuqa COVID-19, ayaa yiri “waxaan la yaabay in aan arkay dad badan oo waddooyinka wareegaya, kuwo raacaya gaagiidka dadweynaha iyo qaar ka cunteynaya hoteellada” (Daily Sabah – 19/03/2020). Taasi waa midda ay eedeen dadka Talyaaniga oo maanta ugu dhimashada badan caalamka.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in caabuqa CoronaVirus uu dili karo dad badan oo Soomaali ah, haddii dadweynaha iyo dowladda oo iskaashanaya aysan qaadin tallaabooyinka ka hortagga ah si degdeg ahna u hirgelin talooyinka dhaqaatiirta. Waxaase hubaal ah haddii si dhab ah, loo qaadan waayo qayladhaanka khatarta COVID-19, in Soomaaliya uu ku faafi doono caabuqa.

W/Q Cabdulqaadir Cariif iyo Axmed Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -