Tartanka K/cagta Qaramada Yurub “Euro 2020” oo dib loo dhigay (Sababta)

Tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2020 oo afartii sanaba mar la qabto ayaa dib loo dhigay muddo hal sanno ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Guddiyada kubadda cagta ee Yurub ayaa go’aankaasi ku gaaray shir degdeg ah oo ay yeesheen kaasoo ka qeybqaateen madaxda ay arrintaasi khusayso.

Tartanka oo la qaban lahaa inta u dhaxaysa 12 Juun ilaa 12 July ee sanadkan ayaa haatan waxaa dib loo dhigay in la ciyaaro 11 Juun ilaa 11 July sanadka soo socda ee 2021.

Talaabadan ayaa waxay fursadsiinaysaa horyaallada Yurub ee haatan la hakiyay in si caadi ah ay u dhammeystirmaan.

Waxaa tartanka sanadkan marti gelin lahaa 12 dal oo ku yaalla Yurub kuwaasoo ay ku jiraan dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka oo ka mid ah meelaha ii sida xun ugu faafay cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -