(Daawo Sawirro) Madaxweyne Al-Bashiir oo tababar u xiray, Biladna gudoonsiiyey Saraakiil Soomaali ah

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Magaalada Khartuum kaga qeyb galay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Leyli Saraakiil ah oo in muddo ah loo tababarayay.

Waxaa sidoo kale ka qeyb qeybgalay munaasabadan saraakiisha ciidanka Sudan, masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee dalkaas iyo boqolaal Soomaalida ku nool Sudan.

Saraakiisha dhalinyarada ah ee tababarka loo xiray oo isugu jira Soomaali, Suudaan iyo Urdun ayaa ku baranayay dalkaas sharciga iyo Qaanuunka muddo labo sano ah.

Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad mudadii uu socday tababarkan, iyadoo Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir uu bilada sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.

Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaan sharaftii halkaasi lagu siiyay Madaxweyne Cumar Xasan Albshiir, iyadoo Madaxweynuhu ku aaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen iyo tayadooda wanaagsan.

Tababarka dadka la siinayay ee isugu jiray Soomaali, Suudaan iyo Urdun ayaa Cumar Xasan Axmed waxaa uu ka galay kaalinta koowaad.

Saraakiishan ayaa waxaa la filayaa inay dhowaan dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga mid noqdaan saraakiisha ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -