Rasaas ka dhacday xerada 21-aad xili uu ku sugnaa Madaxweyne Qoor Qoor iyo Khasaaro …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw rasaas ka dhacday xarunta ciidanka milatariga ee 21-aad ee kutaala magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku helnay rasaasta ayaa dhax martay ciidamo katirsan milatariga iyo ciidamo kale oo nabad sugida ah oo doonayay in xerada gelaan xili gudaha xerada uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Is rasaaseynta ka dhacay afaafka hore ee xerada 21-aad ayaa waxaa ka dhashay dhaawac soo gaaray labo askari, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in mid kamid ah askarta dhaawacantay uu geeriyooday.

Saraakiisha ciidanka ayaa si deg deg ah ugu guuleestay in ay xaalada dejiyaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaana markii dambe loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo maamulka Galmudug kasoo saaray shaqaaqadan ka dhacday xerada 21-aad, waxaana socda baaritaano ay saraakiisha ciidanka ku wadaan sida ay ku timid isku dhacan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

- Advertisement -