Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Dhoobley, Xilli ay xiisad ka jirto xadka Somalia & Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo ka hor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

Dib ugu laabashada Axmed Madoobe ee degmada Dhoobley ayaa ku soo aadeysa xili xiisad colaadeed ay weli ka aloosan tahay xadka Somalia iyo Kenya qeybo ka mid ah gaar ahaan degmada B/xaawo oo maalmo ka hoe ay ku dagaalameen ciidamada DF iyo kuwa Wasiirka amniga Jubbaland oo gabaadsanaya dhinaca xadka Kenya ee Mandhera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -