Taliyaha Guud ee ciidamada Talyaaniga oo laga helay cudurka Coronavirus

Taliyaha guud ee ciidammada Talyaaniga, Salvatore Farina ayaa ka mid noqday dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus kaddib markii uu cudurkaas ku baahay Talyaaniga.

Salvatore Farin wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaasna uu is karantiilay.

Talyaaniga ayaa ah meesha ugu badan ee uu saameeyay Corona marka laga soo tego Shiinaha, waxay ku dhaw yihiin dadka uu ku dhacay ilaa 7,400 qof.

Tirada dadka u dhintay caabuqa Corona gudaha Talyaaniga ayaa sare u kacday, maalin gudaheedna wuxuu ku dhacay ilaa 133 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Waxaa dalka Talyaaniga ka socdaa dadaallo lagu xakeymanayo Corona, Ra’iisul wasaare Giuseppe Conte wuxuu ku dhaawaqay in la xirayo Iskuulada iyo goobaha kale ay dadka isugu yimaadaan guud ahaan dalka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Talyaaniga uu xayiraad ugu soo rigay magaalooyinka qaar si looga hortago Corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -