Dilal goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay agagaarka Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen labo askari oo katirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku waramay in labada askari la toogtay xili ay ku hoolanaayeen canshuur aruurin, waxaana askartaasi gaadmo ku dilay rag biskoolado ku hubeesan .

Ciidamo katiran booliiska Soomaaliya ayaa soo oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay , waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan dableydii dilka geestay oo goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca dilal gaadmo ah oo loo geesto ciidanka dowlada, waxaana inta badan masuuliyada dilalkaasi sheegta dagaalyahanada Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -