Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay …

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka shalay galab ka fuliyeen meel ku dhaw Deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowlada Warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka dowlada iyo kuwa Mareykanka lagu dilay xubin katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu dhaawacay labo xubnood oo kale.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Dowlada 

Shalay Galabtii oo ay Maarso ahayd 2, 2020 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka qaaday labo duqeyn oo lagu beegsaday argagaxisada nawaaxiga Kuunyabarrow ee gobolka Shabellada hoose.

Duqeyntaan ayaa lagu dilay hal argagaxiye Alshabaab ah, halka lagu dhaawacay labo argagaxiso. Duqeymaha noocan ah ayaa tusaale cad u ah sida ay uga go’antahay Dowladda Soomaaliya iyo Bahwadaagteeda Mareykanka in ay ku baabi,iyaan argagaxisada shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan dhibaatada u geysanaysa.

Hogaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in weeraradooda ay kaalinta koowaad la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, bahwadaageeda Geeska Afrika iyo Dowladda Mareykanka iyo danaheeda ee aduunka ku firirsan.

Hubin ay sameeyeen DFS iyo jaalkeeda Mareykanka ayaa tibaaxaya in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymihii maanta dhacay.

Dowladda Mareykanka iyada oo kasoo baxaysa dawrkeeda ka saaran dadaalada caalamiga ayaa Ciidanka AFRICOM iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin ee Mareykanka ku gacansiinayaan Dowladda Soomaaliya dadaaladeeda ku aadan ka hortagga iyo xakameynta ururrada argagaxisada in ay soo abaabulaan kharbudaad baaxad leh.

Dadka Soomaaliyeed way ka soo horjeedaan Alshabaab iyo falalkooda gurracan ee ay ku gaboodfalayaan shacabka aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -