Guddoomiye Cumar Filish oo u digay qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo saaray Amar Culus oo ku socda shirkadaha u bareera inay (Jeexaan) waddooyinka laamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin in shirkadaha ay jebiyaan laamiyada, iyagoo danahooda gaarka ah eegaya.

“Sharciga ayaan la tiigsan doono Shirkadaha ku xad gudba amarkan, ciqaab adag ayeynaa mari doonaan” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saaray.
Shirkadaha Korontada, kuwa biyaha iyo mararka qaarkood kuwa isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ayaa inta badan jeexa laamiyada si ay u dhexmariyaan tubooyin biyaha iyo fiilooyinka korontada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay daqli kordhinta gobolka Banaadir si loo xoojiyo mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinaayo adeegyada aas aasiga ah iyo bilic soo celinta Caasimadda.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka iyo agaasimayaasha dowlada hoose ee Xamar waxaana shirka inta uu socday aad loo falan qeeyay sida ugu haboon ee loo xoojin karo kobaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -