Jocob Zuma oo la arkay isaga oo qoray Heesta xili Maxkamad amartay in lasoo xiro !

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada iyo Warbaahinta dalka Koonfur Afrika, kadib markii barta uu Twitterka ku leeyahay soo dhigay sawir isaga oo qoray heesta.

Dadka u dhashay Koonfur Afrika ayaana aragtiyo kala duwan ka dhiibtay sawirkan uu jocob Zuma kusoo galay qasri weyn uu ku leeyahay gobolka uu kasoo jeedo ee Kwazulu Natal, waxaana Zuma lasoo sawiray isaga oo mooto saaran gacantana ku heesta qoray.

Hadal heynta ka dhalatay sawirkan ayaa imaanaya xili talaadadii Maxkamad kutaala magaalada Pietermaritzburg ay amartay in lasoo xiro Jacob Zuma kadib markii uu ku guul dareestay in uu kasoo hormuuqdo Maxkamada.

Qareenada u doodayay Jocob Zuma ayaa ku dooday in sababta uu Maxkamada u imaan waayay ay aheyd in uu xanuunsanaa, waxaana hada la isweediinayaa iyadoo la hadal hayaa xanuunka Zuma sawirkan cusub uu soo dhigay baraha bulshada.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa marar badan maxkamad lasoo taagay, waxaana lagu eedeenayaa in uu lacago badan uu musuq maasuqay intii uu xilka hayay gaar ahaan lacag malaayiin dollar ah uu ku dayactirtay guriga uu hada degan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -