Wasiir Goodax oo cadeeyey sababta ardayda Puntland loogu diiday shahaadada dugsiga Sare

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si cad u sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan siin doonin Shahaadada dugsiga Sare haddii aysan galin Imtixaanka dowlada dhexe ee Somaaliya Ardayda degaanada Puntland.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka horjoogsaday ardayda ku nool degaanada maamulkaas iney galaan imtixaanka dowladda federaalka sidaasna ay ku waayeen shahaadada dugsiga sare.

“Maaadaama ay diideen imtixaanka dowlada dhexe waa iney isku filnaadaan, waana sharci in arday aan gelin imtixaanka shahaadiga ah ee wasaarada waxbarashada uusan helin shahaado” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka Wasiirka ayaa sii xoojinayakhilaafka u dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii uu fashilmay wadahadallo ay waddeen xubno ka mid ah Aqalka Sare.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Puntland ayaa diiday iney ardayda ka soo baxay dugsiyadeeda sare ay galaan imtixaanka dowlada dhexe, iyagoo taas sabab uga dhigay in imtixaanka dowlada uu yahay mid aan la isku haleyn karin oo mar kasta qishkiisa uu dibeda u baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -