Tirada Musharaxiinta u taagan Xilka gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga qaban qaabada doorashada gudoonka Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta diiwaan galiyay musharaxiin dhoor ah oo isku soo taagay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in maanta diiwaan galiyeen ilaa 7-musharax oo isku soo taagay qabashada Gudoonka Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in wali saacado ka harsan yihiin waqtiga ay ku egtahay diiwaan galinta Musharaxiinta, waxa uuna cadeeyay ilaa caawa saqda dhaxe in guddiga shaqeenayaan kuna egtahay waqtiga diiwaan galinta.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka waxaa isku soo sharaxy isna diiwaan galiyay ilaa 7-musharax, waxaana sadex kamid ah u taagan yihiin xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka halka kuxieenka koobaad iyo kan labaad min labo musharax loo diwaan galiyay.

Waxaa la filayaa in magaalada dhuusomareeb maalinta Jimcaha ka dhacdo doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana xilka gudoomiyaha Baarlamaanka ugu cad cad loona saadaalinayaa musharax Maxamed Nuur Gacal.

- Advertisement -