Shaqaalaha Rayidka iyo Saraakiisha ciidanka oo la sheegay in noloshooda halis ku jirto

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in halis ku jirto nolosha Shaqaalaha rayidka ee dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidanka.

Halkan ka akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Siyaasiga

Waxay xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka ii xaqiijiyeen in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay bilihii la soo dhaafay ku hawlanayd ururinta xogta shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka. Waxay qof walba ka qaadayeen magaciisa, magaca labadiisa waalid, sawirkiisa, muuqaal hoyga uu degganyahay ah, saaxibbadiis, taariikhdiisa nololeed, dadka ehelkiisa ah IWM.

Waxaa soo baxaysa in xogtaas ay u gudubtay Al-Shabaab. Sida uu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Mudane Abdalla Abdalla, waxaa guryohooda loogu tegey saraakiil NISA ka tirsan, laakiin xilligaa ka maqnaa hoygooda. Haddii xogta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka si wadashaqeyn ah loogu gudbiyey Al-shabaab iyo haddii ay si kale ku heleenba waa halis amniga Qaranka dalka soo foodsaartay.

Waxaan haddaba ugu baaqayaa xildhibaannada in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan. Sidoo kale Xisbiyada siyaasadda iyo warbaahinta waa in ifiyaan halista uu arrinkaasi yeelan karo. Hay’adda Nabadsugidda waa in caddeyn ka bixisaa arrinkaas.

 

- Advertisement -