Madaxweyne Biixi oo caawa kormeer kedis ah ka sameeyey Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa Kormeer kedis ah ku tegay Isbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu booqday Bukaanada jiifa isbitaalka, waxaana kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeedadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynaayo bukaan jiifka, waxaana uu halkaasi ugu duceeyey dhammaan dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka, waxaana uu halkaasi kula kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkeyga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan, sidoo kalena waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -