Daawo Sawirada: Masjidka Ugu Weyn Galbeedka Afrika oo si qurux badan loo dhisay

Magaalada Dakar ee caasimada dalka Senegaal waxaa xariga looga jaray masjidka ugu weyn Galbeedka Qaarada Afrika, masjidkan ayaana ah mid si qurux badan loo dhisay loona nashqadeeyay.

Dhismaha Masjidkan oo socday dhow iyo toban sano ayaa la sheegay in ay ku baxday lacag  ka badan 40 malyan oo dollar , waxaana masjidkan dhismihiisa gacan weyn ka geestay dariiqo Suufi ah oo ku badan dalkaasi.

Gudaha Masjidka waxaa lagu qabtay munaasabad lagu furayay masjidlan cusub, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada Senegaal iyo dad ka badan 10-kun oo ruux oo magaalooyin kala duwan ka yimid.

Masjidka ugu weyn Galbeedka Afrika oo loogu magac daray Massalikul Jinaan ayaa waxaa halkii mar ku dukan kara 30-kun oo qof, waxaana masjidkan uu ku fadhiyaa dhul gaaraya lix Hektar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -