Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Wasiirka Arrimaha dibeda ee Ruushka? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha nabadda Paris, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Kulanka oo qayb ka ahaa shir doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha nabadda Paris, ayaa looga hadlay amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo, uuna rajeynayo in dowladda Filand ay si buuxda Soomaaliya uga taageerto dadaallada deyn.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Paris kulan kula qaatay xoghayaha guud ee wariyeyaasha aan xudduuda laheyn, Christophe Deloire.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Christophe Deloire oo goob joog uu ka ahaa agaasimaha Afrika ee wariyaasha aan xuduudda laheyn, Arnaud Froger, ayaa looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hor tegeyso dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dolwadda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirta sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaadata horumarka iyo gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -