Caro xoogan oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya u geesteen Arday Jaamacadeed

Shacabka dalka Kenya ayaa aad uga carooday muuqaal laga duubay ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo si xun u jir dilaya arday dhigta Jaamacada Jomo Kenyatta ee kutaala Waqooyiga magaalada Nairobi.

Muuqaalka ayaa laga dhax arkayay afar askari oo si xun u jir dilaya kuna is istaagaya arday wax ka dhigta Jaamacada, kadib markii booliiska halkaasi loo geeyay in ay wax ka qabtaan banaan bax ay ardayda jaamacada dhigayeen.

Ardayda dhigata Jaamacada Jomo Kenyatta ayaa dhigayay banaan bax , waxa ayna ardayda xireen wadooyin katirsan magaalada Nairobi, waxa ayna taasi keentay in ciidamo booliis ah loo diro halka banaan baxa ay ka dhigayeen ardayda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Fred Matiang’i ayaa ku hanjabay in saacado gudahood talaabo adag looga qaadi doono saraakiishii iyo askartii kasoo muuqatay muuqaalka lagu jir dilayay ardayga Jaamacadeed.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa dhacdadan, waxaana arintan ay abuurtay caro xoogan oo ka imanaeysa shacabka iyagoona muujiyay hab dhaqanka booliiska in uu yahay mid xun aan loo dul qaadan karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -