Madaxweyne Waare: “Waan la xisaabtameynaa dayuuradii maanta ku degtay B/Weyne”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in lala xisbaatami doono Shirkadda leh dayuuraddii maanta ka degtay garoonka dayuuradaha Beledweyne oo uu ku eedeeyay inay ku dhaqaaqday mas’uuliyad darro, ayna khatar gelisay masuuliyiintii la socotay.

Waare ayaa sheegay in muddooyinkan xaalada garoonka dayuuradaha Beledweyne ay aheyd mid adag, isla markaana garoonka uu marna xirmayay marna furmayey roobabka ka jiray magaalada awgeed.

“Saaka 6-dii subaxnimo ayaa la ii sheegay in garoonka aan lagu degi karin, maadaama 600-mitir oo dhulka dayaaradaha ku degaan uu biyo dhigay roobab xalay da’ay intaas ka dib waxaan la xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh oo garoonka diyaaradaha Xamar joogay abaarihii 8-dii subaxnimo waxaan la wadaagay macluumaadka aan hayey balse waa diiday iney safarkooda baajiyaan” ayuu yiri Waare.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin sabab ay u hor-istaagaan wafdiga Madaxdii hore, isla markaana uusan jirin warka sheegaya in raaderka garoonka Belad-weyne la dansaday, balse waxaa uu xusay in duuliyaha diyaaradda uu sameeyay qar iska tuurnimo, uuna dansaday isgaarsiinta, isagoo aan la hagina uu garoonka ka degay.

”Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego wax kasta oo dhibaato ah oo arintaa ka imanaya waxaa kula xisaabtameynaa shirkadda iska leh diyaarada qaaday Wafdiga iyadoo la leeyahay Garoonkii laguma degi karo, waxey aheyd arin aan wanaagsaneyn oo waliba khatarteeda leh, sidaa daraadeed waxaan la xisaabtami doonnaa shirkadda diyaaradaa ka degtay magaalada Beledweyne” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -