Maxkamad ku taalla Maraykanka oo diiday amar ka soo baxay Madaxweyne Trump

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ku gacan sayrtay go’aan ka soo baxay madaxwayne Trump oo ahaa in muhaajiriinta Mareykanka soo galaya ay cadeeyaan 30 maalmood gudahood inay haystaan caymis caafimaad ama ay iska bixin karaan daryeelka caafimaadka.

Amarkan horey uga so baxay maamulka Trump ayaan dhaqangali doonin Axadda sidii qorshuhu ahaa maadaama maxkamadi ay diiday.

Garsoore Michael Simon, oo ah garsooraha maxkamada degmada Oregon, ayaa riday guddoonkan sida kumeel gaar ah u hakinaya hindisaha madaxwaynaha.

Amarkan ayaa waxaa horraantii bishii October saxiixay madaxwayne Donald Trump waxa ayna saamaynaysay dadka dalalka kale ka imanaya oo dal-kugalka ku imanaya Mareykankaoo iyagu laga doonayo inay haystaan ceymis caafimaad.

Muwaainiin Mareykan ah iyo hay’ad aan dowli ahayn ayaa kiiska ay arrintan kaga soo horjeedaa geeyay maxkamada, iyagoo ku dooday in hindisaha madaxwaynaha ee ah in soo galootiga ay haystaan ceymis caafimaad ay hor istaagayso boqolaal muhaajiriin ah oo Mareykanka ku soo gali lahaa si sharci ah.

Kiiskooda ayaa waxay ku sheegeen in tirada qoysaska dal ku galka ku soo gaara Mareykanka ay hoos u dhaceyso amaba ay ay meesha ka baxayso haddii amarkan madaxwaynaha la dhaqangaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -