Xafiisyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ka furteen Puntland oo la xirayo !!

Labo wasiir oo katirsan Xukuumada federaalka Soomaaliya Soomaaliya ayaa xafiisyo siyaasadeed waxa ay ka furteen deegaano katirsan maamulka Puntland gaar ahaan deegaanada ay qabiiladooda degaan.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada Sadiiq Warfaa ayaa xafiisyo ay ugu magac dareen xafiiska arimaha bulshada iyo Xildhibaanka ka furteen deegaanada Galdugub iyo Dahar.

War Qoraal ah oo caawa kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa lagu mamnuucay in xafiis siyaasadeed ay ka furtaan deegaanada Puntland Xildhibaanada golaha shacabka .

Wasaarada ayaana amartay in la xiro xafiisyada hada la furay oo loola jeedo kuwa ay furteen Xildhibaanadan Wasiirada ah, Puntland ayaana sheegtay in ayan jirin wax heshiis ah oo dowlada federaalka iyo maamulada ka gaareen hanaanka doorasho ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -