Nin Muslim ah oo Isbuuc kasta kabo cusub u qeybiya dadka Darbi jiifka ah (Sawirro)

Nin soo islaamay kuna nool Koonfurta magaalada London ayaa dad badan soo jiitay, kadib markii uu ninkaasi bilaabay olole uu ku taageerayo dadka darbi jiifka ah ee kunool magaaladaasi.

Moosa Nsubuga oo kol aan fogeyn soo islaamay,  ayaa beddelaya dhaqanka ku dhisan ku deeqista alaabaha duuga ah, wuxuuna hadda darbi-jiifta ugu deeqaa kobo cusub oo ay xirtaan  .

”Caqiidadayda Islaamku waa tan iga dhigtay inaan noqdo deeqsi dar Ilaahay wax u baxsada, waxaan sidoo kale ku dadaalay inay wadajir igala qeyb qaataan bulshada aan katirsanahay, waxaan hadiyo jeer isku xilqaamay inaan bixiyo hadyad tan ugu fiican oo qofkeenna dibjirka ah u qalmi karta.” ayuu yiri Moosa Nsubuga .

Ninkan Muslimka ah ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq bixiya adeeg samafal oo aan duug aheyn balse cusub, waxa uuna Moosa Hadba kobaha jaadadkii ugu danbeeyey oo cusub siiyaa dadka darbi jiifka ah.

Moosa iyo koox garab siisa ayaa isbuuc kasta waxay bixiyaan joogag dhan 170 xabbo kuwaas oo saf dheer ay usoo galaan inay guddoomaan, Wuxuu doonaya ninkan inuu dhaqdhaqaaqiisa ku baahiyo dalka oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -