(Daawo Sawirro) Quruxda xarunta cusub ee uu Maanta ku shiray Baarlamanka Somalia

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ku yeeshay fadhigii ugu horeeyey kalfadhiga 6aad xarunta KMG ee looga dhisay Madaxtooyada Somalia.

Xildhibaanada ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan, kaasoo uu soo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Akhrinta 2-aad ee sharciga Istaraatiijiyadda tira koobka Qaranka, Akhrinta 2-aad ee sharciga furdooyinka, Hindise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, Hindise sharciyeedka Nootaayada dadweynaha, Akhrinta 2-aad ee sharciga maamulka Dakhliga, Hindise sharciyeedka dib u eegista shaciga Xisbiyada siyaasadda ee dalka, Qoondada ku noqoshada miisaaniyadda 2019-ka, Akhrinta 2-aad ee sharciga Iibka Qaranka, qeybinta maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Warbixinta hanti dhowrka ee 2018-ka  iyo sidoo kale Xisaab xir Maaliyadeedka 2018-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulnakiii maanta, ayaa ka wabixiyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla kalfadhigan lixaad, shuruucda ay Golaha ansixiyeen ee horyaala Golaha Aqalka Sare.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, dejinta jadwalka dhameystirka Dastuurka, waxa uuna ugu dambeyn uu Xildhibaannada Golaha kula dardaarmay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha si uu goluhu u guto waajibaadka horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -