Sawir Gacmeed uu sameeyey farshaxaniiste Afrikaan ah oo lagu iibsaday lacag Waali ah (Sawirro)

Sawir gacmeed uu sameeyey farshaxaniiste loo aqoonsaday inuu yahay aabaha xirfadda farshaxanka ee dalka Nigeria ayaa magaalada London lagu iibiyey, waxaana lagu gatay lacag dhan $1.4m.

Ben Enwonwu’s Christine ayaa sawirkan sameeyey sannadkii 1971-kii xilli uu ku sugnaa magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Xarunta iibsatay farshaxanka waxay sheegtay in markii hore aysan ka war heyn faa’iidooyinka farshaxanka ilaa ay Internetka ka raadiyaan saxiixa farshaxaniistahan.

Enwonwu oo geeriyooday ardey ka ahaa Colegka Ruskin iyo Iskuulka farshaxanka ee UK sanadihii 1940, sannadkii 1994-tii, waxaa uu sidoo kale sameeyey sawir gacmeed kale oo la yiraahdo Tutu kaasoo sannadkii lasoo dhaafay lagu iibsaday 1.5 Milyan oo doolar.

farshaxamiistaha ayaa soo caanbaxay markii loo xilsaaray inuu sawir gacmeedka ka sameeyo boqorodda Ingiriiska xilli ay booqasho ku joogtay Nigeria sannadkii 1956-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -