(Sawirro) Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga dib u eegista dastuurka iyo la socodka ee baarlamanka.

Xubnaha Guddiga ayaa guddoonka baarlamaanka u soo gudbiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan dib u eegista dastuurka dalka iyo habraacii lagu ansixin lahaa.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa sheegay in Sidoo kale waxyaabaha Kulanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen in labada golaha gole ee baarlamaanka ay yeeshaan kulan wadajir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -