Jubbaland oo Caleemo saarka Axmed Madoobe ku casuuntay Wadamada Dariska

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose lagu caleemo saaro Madaxweynaha sharciyadiisa shakiga la galiyay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam .

Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galaya wafuud kala duwan oo isugu jira Madax hore , Madaxda maamul goboleedyada, Xildhibaano lagu casuumay kuwaa oo badankood ku sugan magaalada Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland ayaa sheegay in munaasabada lagu casuumay wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya , iyo Jabuuti, waxa uuna xusay in ay filayaan in xubno wadamadaasi matalaya kasoo qeyb galaan caleemo saarka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in casuumada caleemo saarka Axmed Madoobe sidoo kale gaarsiiyeen maamulka Somaliland ayna filayaan in xubno maamulkaasi matalaya Kismaayo soo gaaraan.

Wafdi ka socda dowkada Kenya ayaa hore loo sheegay in ay ka qeyb galayaan caleemo saarkaĀ  Axmed Madoobe, waxaana suurto gal ah in wafdigaasi baaqdaan maadama dowlada federaalka ay mamnuucday in diyaarad toos Kenya uga timaada tagto Kismaayo.

Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa qaadacay oon ka qeyb galeyn dowlada federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana kaliya hada ka qeyb galaya oo la hubaa Madax hore iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

- Advertisement -