Faahfaahin: Saraakiil ka tirsan Booliska France oo toorey lagu laayey (Sawirro)

Shan ka mid ah saraakiisha booliska Faransiiska ayaa maanta lagu dilay weerar mindi oo ka dhacay gudaha xarunta booliska magaalada Paris, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Midowga Booliska.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Loic Travers, ayaa sheegay in sarkaal kale oo boolis ah uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Travers ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday la rumeysan yahay inuu shaqaale ka ahaa xarunta booliska, hase yeeshee aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Travers waxa uu sheegay in weerarku u muuqday inuu ka billaabmay gudaha xafiis, kadibna uu ku baahay qeybo kale oo ka mid ah dhismaha, iyadoo Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa xaqiijisay in shan sarkaal lagu dilay weerarka.

Weli ma cadda sababta hoggaamisay weerarka oo ka dhacay bartamaha Paris, meel u dhow kaniisadda caanka ah Notre-Dame Cathedral.

Travers waxa uu, si kastaba, sheegay in qofka la tuhusan yahay inuu weerarka geystay uusan marnaba wax dhibaato ah horey uga gaysan shaqada, waxaana socda baaritaano la xiriira in falkan uu ahaa mid argagaxiso iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -