Ciidamada dowlada oo dil iyo dhaawac ka geystay Control ku yaalla Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta-Nabdda askari ka tirsanaa isla ciidanka dowlada ka dib markii uu soo kala dhex galay muran.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu la socday mooto Bajaaj isla markaasina uu damcay in mootada uu saarnaa uu kala gudbo Bar-koontrool oo gaadiidka lagu baaro oo ku taalla Isrgoyska Cali Kamiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu diideen in askarigan uu Mooto bajaajka kala gudbo wadada xirnayd taasoo keentay qoryaha la isku taago, waxaana ugu dambeyn halkaas lagu toogtay oo naftiisa ku waayey askarigii la socday mootada.

Sidoo kale, rasaasta lagu dilay askariga ayaa waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray wadihii mooto Bajaajka oo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Dilalka noocan ah ee ka dhasha is faham la’aanta ciidamada dowlada dhexdooda ayaa aad ugu badan magaalada Muqdisho, waxaana loo sababeynaa ciidanka badankood oo aan u tababarneyn ilaalinta amniga guud iyo kala dambeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -