Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ,kadib markii uu isku soo dhiibay ciidanka dowlada ee ku sugan magaaladaasi.

Yaroow Xasan Aaden, oo loogu yeeri jiray (Seyfu-Laah) oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in uu katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa isku xirka ciidanka iyo saraakiisha sare ee Al Shabaab.

Waxa uu sheegay ninkan in sanado badan kasoo tirsanaa Al Shabaab kana soo dagaalamay gobolo badan, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in kooxdaasi kasoo baxo kadib markii uu u adkeesan waayay dilalka ay dadka aan dambiga galin u geesanayaan sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab ay horey uga mid ahaayeen.

- Advertisement -