Beesha Habar Max’ed oo 4 qodob ka soo saartay kulan ka dhacay Dhuusamareeb

Qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Habar Maxamed (Hilibi & Daguuro) oo ah curadka Beelweynta Murusade ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb, iyagoo kaga hadlay midnimada beesha iyo masiirkooda.

Odayaasha, dhalinyarada iyo Waxgaradka kulmay, Wada hadal dheer kadib waxey soo saareen qodobada soo socda.

1-Ugu horeyn Beesha Habar Maxamed waxay taageersan tahay Shirweynaha dib u hishiisiinta Galmudug, waxayna dhiiri gelineysaa dadaalada nabadeed ee madaxda Dowladda Federaalku ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

2-Beesha Habar Maxamed oo ka mid ah beelaha ugu dhul balaaran Bariga Galgaduud iyo Mudug Waxay cadeyneysa in beesha dhexdeeda ay taalo midnimo, isla markaana aysan ogolaan doonin qorshaha ah qeybi oo xukun, taasoo ay wadaan tiro yar oo ah siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Murusade, kuwaasoo ujeedadoodu tahay Sed bursi.

3-Beesha Habar Maxamed waxay soo jeedineysaa in la tixgeliyo dhaqanka iyo kala dambeynta Beesha Murusade dhexdeeda ah, islamarkana dib u heshiisiin laga dhex sameeyo beesha.

4-Ugu dambeyn Beeshu waxay ka codsaneysaa dhamaan beelaha wada dhistay Galmudug in danta guud la ilaaliyo, si horumar loo gaaro.

Kulankan oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa hadalo qiimo leh ka jeediyey qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay, kuwaasoo ku saabsanaa sidii beeshu ay wax ula qeybsan laheyd beelaha kale ee Soomaaliyeed, isla markaana kaalinteeda uga qaadan laheyd nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ka socota Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -