Kiiska dilkii Caa’isha Ilyaas oo weji cusub yeeshay & Mid ka mid ah raggii loo xukumay oo..

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, iyadoo dhegeysiga kiiska uu waji cusub yeeshay ka dib markii uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu kufsigaas geystay Mid ka mid ah raggii loo xukumay kiiskan.

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa sheegay Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame uu maanta Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu u galmooday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas uu kula jiray nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maanta maxkamadda lala geeyay.

Maxamed Xareed ayaa sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan.

“Maanta waxaa kiiska ku soo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed.

Eedeysanaha saddexaad oo isna maanta maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isha.

Kiiska isugu jira falka Kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Alle ha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee maanta uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana falalkaas lagula kacay si weyn uga argagaxay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Maxkamada darajada Koowaad iyo tan racfaanka ee maamulka Puntland ayaa horey dil ugu xukumay sadex nin oo uu ku jiro ninka maanta qirtay inuu ka qeyb qaatay dilka iyo kufsiga Caa’isha, waxaana kiiskooda uu horyaallaa Maxkamada sare ee Puntland oo ay sadexda eedeysane racfaan u qaateen, waxaana lagu fulin doonaa dil hadii maxkamada sare ay taageerto xukunkii dilkii ahaa ee ay rideen Maxkamadihii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -