Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday xero ay Ciidamada Danab ku leeyihiin …

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah lagu qaaday xero ciidanka Milatariga Soomaaliya ee Danab kaga sugnaayeen degmada Awdheegle.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa  lagu weeraray Saldhig ay Ciidamada  Danab ku sugnaayeen ,waxaana dadka deegaanka ku warameen in ay maqleen jugta xoogan ee qaraxa lagu weeraray xerada ciidanka.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhiga la qarxiyay, waxaana halkaasi ka dhacaya rasaas culus ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay qaraxa ismiidaaminta iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday xerada ciidamada Milatariga kaga sugnaayeen degmada Awdheegle,

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa todobaad ka hor  Al-Shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose , halkaas oo xarun weyn u aheyd Al Shabaab.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -