Isku soo bax oo beri ka dhacaya Muqdisho iyo qabanqaabo socota (Daawo Sawirro)

Qabanqaabada isu-soo bax weyn oo loogu Duceynayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ka socota magaalada Muqdisho

Marxuum Yariisow ayaa dhowaan Isbitaal ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka dib qarax ka dhacay xafiskiisa xarunta Gobolka Banaadir.

Isu-soo baxa ay qabanqaabinayaan Dowladda Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacaya Garoonka banaadir ee Koonis, kaasoo warar kala duwan sheegayaan in loo bixin doono Garoonka C/raxman Yariisow si loogu maamuuso Marxuumka.

Boqolaal dadweyne iyo masā€™uuliyiin kala duwan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan bannaanbaxa Ducada ah ee loo sameynayo Eng. Yariisow, iyadoo tacsidiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho, halkaasoo la isugu geeyay xoolihii ugu badnaa ee tacsi la geeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -