Sidee Magaalada Muqdisho looga dareemay geerida Gudoomiye Ing. Yariisow?

Waxaa maanta geeri xanuun leh ay ku timid Guddoomiyihii gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow oo ku xijaabtay isbitaalka ku yaalla magaalada Doha ka dib dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta dowladda hoose todobaadkii hore.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Marxuum Ing. Yariisow, warbaahintana laga baahiyey waxaa si weyn uga naxay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibeda dalka gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho oo si weyn u garanayay Yariisow, maadaama uu howlo baaxad leh ka waday caasimada ku dhawaad labo sano oo uu xilka hayey.

“Yariisow, ma dhiman ee wuxuu ku nool yahay quluubta shacabka Soomaaliyeed gaar ahan kuwa magaalada Muqdisho oo aan iloobi doonin waxqabadkii iyo dedaalkii uu muujiyey mudadii uu xilka hayey” ayey tiri haweeney ka tirsan shacabka Muqdisho oo ka mid aheyd dad fara badan oo Gudoomiye Yariisow uu u soo celiyey guryahooda oo xoog looga heystay.

Hadal heynta ugu badan ee magaalada ayaa noqotay wixii ka dambeeyey galabta geerida Ing. Yariisow oo dadku ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi miskiin ah, aan isla weyneyn, masaakiintana u roon habeen iyo maalina shaqeyn jiray.

Sidoo kale, Waxaa baraha bulshada qabsaday fariimo iyo tacsi fara badan oo ay dirayaan, masuuliyiin ka tirsan dowlada, kuwa maamul goboleedyada, siyaasiyiin kala duwan, xildhibaano, Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qeybaha bulshada oo muujinaya sida ay uga naxeen geerida marxuumka.

Madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Raisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamanka ayaa geerida marxuumka kaga tacsiyadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo eheladiisa, waxaana hoos loo dhigay calanka Jamhuuriyada Somalia, iyadoo xukuumaduna ku dhawaaqday baroordiiq sadex cisho ah, waxaana la magacaabay guddi heer qaran ah oo qaban-qaabiya aaskiisa.

Waxaa sidoo kale dhamaan la joojiyey barnaamijyadii iyo heesaha ka bixi jiray warbaahinta dowlada, iyadoo lagu bedelay aayado Quraan ah, Muusik baroordiiq ah iyo barnaamijyo kale oo ka turjumaya taariikhda iyo waxqabadka Ing. Yariisow.

Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu soo celiyo magaalada Muqdisho si aas Qaran loogu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -