Mashaakil yaab leh oo ka taagan Woqooyiga India iyo baaritaano bilowday

Walaac iyo cabsi badan ayaa ka dhashay Markii ay horraantii toddobaadkan soo baxeen warar ku saabsan in gabdho ah aysan ku dhalan 132 tuulo oo ka tirsan gobolka yar ee Himalayan ee woqooyiga dalka Hindiya

Waxa la sheegay in tuulooyiinkaas aysan saddexdii bilood ee ugu dambayay aysan wax gabadho ah ku dhalan taasoo qasabtay in ay dowladda Hindiya bilaawdo baaritaan arrintan ku saabsan.

Tuulooyiinkan oo lagu tilmaamay “tulooyiinka aan gabdhaha lahayn ” ee ka tirsan Uttarkashi, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 400,000 ayaa ka kooban 550 tuulo iyo shan degmo.

Dalka Hindiya oo markii horaba ay a taagnayd isu dheeli tirnaan la’aan dhanka jinsiga ah sababtoo ah caruurta la iska soo xaaqo oo ku badan ayaa warkan waxa uu sababay walaac dheeraad ah.

Gabdhaha ayaa inta badan culeys ku ah qoysaska wadankaas, maadaama dhaqan ahaan laga yaqaano in wiilka yarad laga bixiyo oo loo iibiyo gabadha, waana taas sababta keentay in qoysas badan ay iska xaaqaan ilmaha marka ay ogaadaan iney gabar uurka ku sidaan.

Guud ahaan 961 shahaadooyinka dhalashada ah ayaa la diiwaangaliyay gobolka Uttarkashi intii u dhaxeysay April iyo June, kuwaasoo gabdhuhu ay aad ugu yaraayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -