Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Wakiilka QM & danjiraha Britain (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhameystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankan looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka ku soo fool leh dalka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -