Mid kamid ah Degmooyinkii ugu nabdoonaa Muqdisho oo cabsi darteed looga guurayo 

Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir waxa ay safka hore uga jirtay Degmooyinka ugu nabdoon ee magaalada Muqdisho 6-dii sano ee lasoo dhaafay, hasa ahaatee amaanka degmada ayaa hada u muuqda mid faraha kasii baxay.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Degmada Howl Wadaag kusoo kordhay dhacdooyin argagax leh ay geesanayaan rag hubeesan oo xiran dareeska ciidanka dowlada kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalana shacabka u geesanaya.

Ciidamo hubeesan ayaa guryaha Degmada Howl Wadaag gaar ahaan xaafada ay kutaalo xarunta Degmada ee Bermuuda u galaya dadka shacabka ah, waxa ayna ciidamadan iska dhigayaan kuwa baaritaano sameenaya balse dhac u socda.

”Ragan waa hubeesan yihiin darees cagaaran ayey wataan guriga ayey soo galayaan iyaga oo iska dhigaya wax Shabaab raadinaya, kadibna dadka ayey handadayaan raga ayeyna ka qaadanayaan moobeelada halka dumarka ay Dahbaka ka furanayaan” Ayuu yiri kid kamid ah dadka ay dhaceen burcadan

Shantii maalin ee ugu dambeesay ragan hubeesan ayaa galay ku dhawaad 10-guri oo kuyaala xaafada Bermuuda ee degmada Howl Wadaag waxa ayna guryahaasi ka qaateen dahab badan iyo moobeelo.

Dadka degan xaafadan oo markii hore usoo degay in amaankeedu sareeyo ayaa hada bilaabay in ay isaga guuraan si ay uga nabad galaan burcada hubeesan ee xaafadan sida ay doonaan dhaca uga geesta cid wax ka qabaneysana aysan jirin.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada burcadan xiran dareeska ciidanka ee shakiga iyo naceybka ka dhax abuuraya shacabka iyo ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -